Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo si Rasmi ah u Daah Furtay Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanad Dugsiyeedka 2020/2021.[Video]

May 22, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash ) ayaa maanta si rasmiya u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Puntland ee sanad Dugsiyeedka 2020/2021.

17, 735 ( Todobiyo Tobankun, Todoba Boqol Sodon iyo Shan) Arday ayaa imtixaanka Shahaadiga ah ee Sanad Dugsiyeedka 2020/2021 u fariistay, 5,708 ( Shankun Todoba Boqol iyo Sideed) oo ka mida waxay u fariisanayaan Dugsiyada Sare, halka
12,027 ( Labiyo Toban Kun, Labaatan iyo Todoba ) arday ay u fariisanayaan Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Dowladda Puntland, 132 goobood ayaa looga fariistay Imtixaanka.

Celceliska korarka sannadlaha ah ee ardayda u farisaneysa imtixaanka 2021, Fasalka Afraad ( F4) Gabdhaha: 6%, Wiilasha : 4%, Galaaska Sideedaad (G8): Gabdhaha: 9%, Wiilasha: 6%. Sida ku cad warbixinta.

ka qayb-galka gabdhaha ee Waxbarashadu waxay ka boqolay badan yihiin kan wiilasha, Taasna waxaa sahashey juhdi Dowladda Puntland, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ay gelisey sidii habluhu qayb uga noqon lahaayeen Waxbarashada.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, gaar ahaan Xafiiska Imtixaanaadka juhdiga ay geliyaan qabsoomidda, si habsamileh imtixaanaadka Puntland sanad walba.

Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Alle ugu baryey inuu imtixaanka u fududeeyo Ardayda Puntland ee maanta u fariistay Imtixaanaadka.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
May 2021
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online