Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha PL oo ka qayb galay madasha 18aad ee PDRC Talks.[Masawiro]

May 15, 2021 - Written by Editor

Qardho:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad ayaa waxaa uu ka qeyb galay Madasha 18-aad ee PDRC Talks. Madasha 18-aad ee PDRCTalks ayaa ahayd dood-wadaag dhex-taala Guddiga Doorashooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dalladda Bulshada Rayidka iyadoo ka-qaybgalayaashu ay su’aalo furan ku weydiinayaan masuuliyiinta madasha martida ku ah waxayna inta badan su’aalaha diirada lagu saarayaa Hannaanka Geedi socodka Dimuquradiyada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Dhabancad ayaa kahadlaya Guulaha laga gaaray Hirgalinta nidaamka Geedi Socodka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo shaqooyinka hadda socda hadda oo ugu horayso daahfurka diiwaangalinta codbixiyaasha doorashooyinka hordhaca ah ee biriba ka bilaamaysa dagmada Qardho.

Ugu danbeyn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxuu dadweynaha ku nool Degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan, Diiwaan galinta Doorashooyinka hordhaca ee lagu qabanayo 3 Degmo si ay codkooda u dhiibtaan, una doortaan matalayaashooda golayaasha Degmooyinka, ayagoo u kala codeynaya Ururada siyaasadeed.

=DHAMMAAD=

Leave a comment

*

Archives
May 2021
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online