Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo soo dhaweeyey xukunka Maxkamada Ciidamu ku riday 17 ka mid ah Amniyaadka Al-shabaab
June 14, 2021 - Written by EditorGaalkacyo:-Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa soo dhaweeyey Xukunka Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland ay ku riday maanta 17 ka mida in ka badan 70-meeyo qofood oo loo hayey kiisas la xiriira Argagixisada Al-shabaab.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa yiri ” Waxaan Bogaadinayaa Xukunka Dilkaa ee ay Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ku riday 17-kamida in ka badan 70-meeyo qofood oo aanu u qabanay daadintii dhiiga shacabka mudo dhowr iyo toban sano ka gaysanayeen Gobolka Mudug oo ay ku xigi doonaan kuwa kale oo hor leh oo iyaguna dambiyadaas oo kale galay.
Gaalkacyo wakhti ay soo madho wakhtigii ugu fiicnaa baanu oran karnaa inay ku jirto maanta sidoo kalena ay ka dhamaadeen Cadowgii mudada 13-ka sanaa hortaagnaa horumarka, Nabada iyo Nolaanshiyaha Shacabka Gobolka Mudug, Bulshada waxaan uga mahad celinayaa doorka muuqda ee ay ka qaateen la shaqaynta Laamaha Amniga. ”
XAFIISKA WARFAAINTA IYO XIRIIRKA
WARBAAHINTA MAAMULKA GOBOLKA MUDUG