Hirshabelle “Qayb kama nihin Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Beri ka furmaya Muqdisho.”
June 27, 2021 - Written by EditorJowhar:-Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya Magaalada Muqdisho.
Dowladda Hirshabeelle maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii ka soo baxa ma noqon doonaan wax quseeya Dowladda Hirshabeelle.
Ugu dambeyn Hirshabeelle waxa ay dhowri doontaa fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho.
-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE