Madaxweynaha dowladda Puntland oo Daah furay Buugta Waxbarshada Dugsiyada Hoose ee Puntand.[Video/Masawiro]

June 16, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Buugta Waxbarasho ee Dugsiyada Hoose ee Puntland oo ay diyaarisay isla markaana daabacday Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Buugta Waxbarasho oo ku qoran saddex luuqadood ( Soomaali, English iyo Carabi) ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee dalka laga hirgeliyo waxaana dhameystiran oo maanta la daahfuray Fasalka koowaad illaa Afraad, iyadoo hadana la bilaabay diyaarinta iyo daabacaada Dugsiga Dhexe.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay, isagoo muujiyay muhiimada ay leedahay in lagu guuleystay diyaarinta iyo daabacaada wejiga koowaad ee Buugta Waxbarasho, madaama dugsiga hoose yahay asaaska waxbarasho ee ardayga.

Dhammaadkii munaasabadda wuxuu Madaxweynuhu Abaalmarino guddoonsiiyay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Hay’addaha kala shaqeeyay, la teliyeyaasha ka talo bixiyey, xarumaha Cilmibaarista iyo Howl-wadeenada kale ee kala shaqeeyay Wasaaradda diyaarinta iyo daabacaada Buugta.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online