Madaxweynaha Dowladda Puntland oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland.[Video/Masawiro]
June 1, 2021 - Written by EditorMadaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta safar shaqo ku yimi Qardho ayaa tababar usoo xiray dufcad kamid ah cidamada daraawishta puntland iyo dufacadii saddexaad ee ciidamada Booliska Puntland ee ka qalin jebisay dugsiga Tababarka ee Xorgoble.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay ciidamada tababarku u dhammaaday, kadibna wuxuu meel fagaare ah ku daawaday dhuulatus ay ciidanku soo bandhigeen oo ka turjumaya tababarkii iyo aqoontii la siiyey.
Madaxweynaya ayaa bogaadiyey Ciidamada tababarka dhameystay wuxuuna kula dardaarmay in casharada iyo aqoonta lasiiyey ay ka faa’ideystaan.
Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidamada daraawishta iyo booliska puntland ee ka qalinjebiyey Dugsiga tababarka ee Xergoble, waxaa ka qeybgalay Guddiga dib-u-habeynta Ciidamada, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland S/G Yaasin Cumar Dheere,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland, xubno ka mid ah goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo marti sharaf kale.
no images were found
DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA TALISKA CIDAMADA DIFFAACA DOWLADDA PUNTLAND