Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya
June 16, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta ku la qaatay danjiraha Dowlada Norway ee Soomaaliya Ambassador Elin Bergithe Rognlie.
Kulankaan oo ay kaga wada hadleen mashaariic horumarineed ee Dowladda Norway qorsheynayso in ay ka hirgaliso deegaanada Hirshabeelle iyo in xal waara loo helo fatahaadaha wabiga Shabeelle ee soo noqnoqday.
Madaxweeynaha iyo Danjiraha Dowlada Norway ayaa sidoo kale Kulankaan uga hadlay Arrimaha Amniga Doorashooyinka iyo ilaalinta Qoondada Haweenka.
-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE