Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida Danjire Yusuf Cumar Axmed Al-Azhari
June 4, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Danjire Yuusuf Cumar Axmed Al-Azhari.
“Waxaan ka tacsiyeynaya geerida Alle ha u naxariisto Danjire Yuusuf Cumar Axmed Al-Azhari, oo ku geeriyooday Garoowe.
Wuxuu ahaa diblumaasi Soomaaliyeed oo dalkiisa iyo dadkiisa usoo shaqeeyay, wuxuu door muhim ah kasoo qeyb qaatay dhismihii Puntland iyo raadinta dowladnimada Soomaaliya.
Marxuumka alle janadii ha geeyo, waxaan Tacsi u diraya dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada Puntland, Eheladii iyo qoyskii uu ka baxay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND