Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland shir gudoomiyey shirka maamul baahinta Puntland
June 30, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka Maamulka baahinta Puntland oo ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Puntland.
Shirka maamul baahinta Puntland waxaa ka qeybgalay Wasiirada Bah-wadaagta ku ah mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG iyo daadejinta adeega Dowladdaha Hoose ee Puntland.
Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha maamul baahinta ee Dowladda iyo mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland, iyadoo la hubinayo adeegyada Dowladdu u qabato Bulshada.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND