Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle oo Beledweyne kulan kula qaatay Safiirka Dowlada Sweden ee Soomaaliya
June 24, 2021 - Written by EditorBeledweyne:-Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta Magaalada Beledweyne Xarunta Ganacsiga Hirshabeelle kulan kula qaatay Safiirka Dowlada Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander.
Kulankaan ayaa looga hadlay Xaaladaha Guud Hirshabeelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan sida Arrimaha doorashooyinka amniga horumarinta iyo bini’aadanimada.
Kusimaha Madaxweynaha iyo Ambassador Staffan Tillander ayaa si gaar ah uga hadlay fulinta mashaariicyo horumarineed oo wax tar u leh bulshada Gobolka iyo shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada Hirshabeelle.
– DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE