Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntey 17 ka mid ah amniyaadka al-shabaab
June 14, 2021 - Written by EditorGaalkacyo:-Maxkamadda sare ee Ciidamada Dowladda Puntland waxa ay maanta magaalada Galkacyo uga dhawaaqeysaa xukunka ugu danbeeyey ee 18 ka mid ah Ururka Argagixisada ah ee Al-shabaab kuwaas oo horey Maxkamadda koowaad ugu soo xukuntey dil toogasho ah.
Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafey ayaa Maxkamadda sare u fadhidey dhageysiga Xukunki Racfaan qaadashada, maanta ayaa Maxkamaddu shaacin doontaa go’aanka Maxkamadda sare.Ilaa 7 Qareen oo kala duwan oo qaar ka mid ah ka yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa u doodayey xukumanayaasha.
Raga toogaashada lagu xukumey ayaa 5 ka mid ah ay yihiin Horjoogayaashi ugu sareeyey ee go’aamin jirey Dilalka iyo Qarxyada magaalada Galkacyo,12 kale ayaa ahaa kuwi dilalka fulin jirey.
Amnaanka Magaaladda Gaalkacyo ayaa guud ahaan waxaa gacan bir ah ku haya ciidamadda kala duwan ee Dowladda Puntland.
Halgan.net/afmeer