Raisulwasaare Rooble oo guddi u magacaabay Askartii loo qaaday Eritrea..
June 12, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi soo bar ciidamo DFS la sheegay in ay u qaaday dalka Eritrea ka dib cabashooyin ka yimid waalidiinta Soomaaliyeed ee wiilashoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.
Guddiga uu Ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay baaritaanka ciidamda loo qaaday dalka Eritrea ayaa ka kooban 5 xubnood waxayna kala yihiin:
1 – Wasiirka gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji Guddoomiye.
2 – Wasiirka arrimaha gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax Xubin.
3 – Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Danjire Cabdullahi Axmed Jaamac Xubin.
4 – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage Xubin.
5 – Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu Xubin
Magacaabista guddigan ayaa waxay ku soo aaday kadib markii muddo labo maalmood isku xigta ay banaanbaxyo cabasho ah ka dhigeen magaalada Muqdisho qaar kamid ah waalidiinta caruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.
A/Cawale
Halgan.net