Raisulwasaare Rooble oo guddi u magacaabay Askartii loo qaaday Eritrea..

June 12, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi soo bar ciidamo DFS la sheegay in ay u qaaday dalka Eritrea ka dib cabashooyin ka yimid  waalidiinta Soomaaliyeed ee wiilashoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Guddiga uu Ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay baaritaanka ciidamda loo qaaday dalka Eritrea ayaa ka kooban 5 xubnood waxayna kala yihiin:

1 –  Wasiirka gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji Guddoomiye.
2 – Wasiirka arrimaha gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax  Xubin.
3 –  Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Danjire Cabdullahi Axmed Jaamac Xubin.
4 – Taliyaha ciidanka xoogga dalka  Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage  Xubin.

5 – Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu  Xubin
Magacaabista guddigan ayaa waxay ku soo aaday kadib markii muddo labo maalmood isku xigta ay banaanbaxyo cabasho ah ka dhigeen magaalada Muqdisho qaar kamid ah waalidiinta caruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online