Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 67-sanno guurada ka soo wareegtay maalintii la sameeyey Calan
October 12, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash “Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hanbalyeynayaa 67-sanno guurada ka soo wareegtay maalintii la sameeyey calan keenna oo ahayd 12, Oktoobar 1954-tii.
Anigoo ku hadlaya afka Dawladda iyo Shacabka Puntland waxaan ummadda Soomaaliyeed si diirran ugu hambalyeynayaa maalintan qiima leh, waa sumad iyo astaan qawmi ah oo mudan karaamayn.
Hal-abuurihii Calankan Maxamed Cawaale Liibaan AUN iyo intii u soo dhimatay ee sababtay inuu si xora dunida uga babado ee u soo halgantay. Inteenna u heellan maamuuskiisa iyo qimayamkiisana Alle ha u fududeeyo.”
DHAMMAAD.
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.