Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland oo shir gudoomiyey Shirka Guddiga Amniga ee Puntland.[Masawiro]

October 6, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga ee Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Amniga, waxaana Shirka looga hadlay amniga guud ee Puntland, shaqooyinka amniga ee socda iyo hirgelinta Qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Amniga, Saraakiisha Ciidamada, Guddiga ka talobixinaya Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaan Caasimadda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259,211 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>