Madaxweynaha Dowladda Gal-Mudug oo caawa la kulmay maamulka iyo bulshada Guriceel.[Masawiro]
October 28, 2021 - Written by EditorGuriceel:-Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa Degmada Guriceel kulan kula qaatay maamulka magaalada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada oo iskugu jiray odayaasha dhaqanka, waxgaradka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada.
Madaxweynaha iyo bulshada degmada ayaa ka wada hadlay xaaladda guud iyo amniga degmada dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay talo jeedinta bulshada degmada Guriceel, asagoona ku ammaanay garab istaagga ay u muujiyeen geeddi socodka nabadda, dowladnimada iyo midnimada reer Galmudug.
no images were found
-Dhamaad-