Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo gaaray dalka Itoobiya.[Masawiro]

October 4, 2021 - Written by Editor

Addis Abba:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa oo ay uga qeyb geli doonaan munaasabadda caleemasaarka dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka mid ah Madaxda dalalka Afrika iyo Caalamka ee lagu maamuusay ka qeyb galka munaasabaddan, iyada oo la adkeynayo xiriirka miro-dhalka ah ee ku dhisan is ixtiraamka Qarannimo iyo daris wanaagga ee ka dhexeeya Labada dal.

Madaxweynaha iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelisa safarkan ayaa kulan doceedyo la qaadan doona wufuudda dhiggooda ah ee ka socda dalalka ka qeyb galaya munaasabaddan, si loo xoojiyo xiriirka kobcaya ee dalkeennu uu la leeyahay caalamka.

Safarka waxaa Madaxweynaha ku weheliya Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada JFS Mudane Cabdi Nuur Maxamed Axmed.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online