Madaxweynaha JFS oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.[Video]

October 5, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho labo maalmood qaadatay oo uu magaalada Addis Ababa kaga qayb galay caleemasaarka Xukuumadda Cusub ee Dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa waxaa uu kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo uu ugu hambalyeeyey dib-u-doorashadiisa, sidoo kale, waxa uu shir doceedyo la qaatay madaxdii ka qayb gashay Caleemasaarka oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka.

DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online