Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo warbixin ka dhagaystay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland xaalada dadkii laga soo raafay Laascaanood.[Video]

October 4, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, wuxuuna Madaxweyne Ku-xigeenku ka dhegaystay warbixin ku saabsan dadkii lagasoo barakiciyey magaalada Laascaanood.

Kulanka waxaa kasoo baxay in xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee ku shaqo leh arrimahan, kuwaasi oo kala ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo Haweenka ay u kuurgalaan xaaladda dadkaasi booqdaan goobaha lagu soo dhoweeyay.

Dowladda Puntland ayaa soo dhoweysay ku dhowaad 2000 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo Haween kuwaasi oo lagasoo barakiceyey Laascaanood. Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland ayaa faray Wasiirada ku shaqo iyo hay’addaha kale ee dowladda in dadkaasi si dhow looga warhayo xaaladooda, loo gargaaro , ku gudbayana loo fududeeyo safarkooda.

Kulanka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online