Sheekh C/naasir Xaji oo si adag uga hadlay dadkii Soomaaliyeed oo laga raafay Laascaanood.[Video]

October 4, 2021 - Written by Editor

Laascaanood:-Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ah culimada waa weyn ee dalka Soomaaliya kuna Nool Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood ayaa waxaa uu si adag uga hadlay dad soomaaliyeed oo si fool xun looga raafay magalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa sg=heegay in dadkaas Soomaaliyeed xumaad lagula kacay aan wax talo ah laga gelin Culimada , Cuqaasha iyo Issimada ku nool Laascaanood oo xumaantaas ay gaar ku tahay maamulka Gobolka


Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa cadeeyey in aysan marna aysan banaanayn in dad Soomaali ah oo jooga magaalo ka mid ah dalka Soomaaliya xoog lagu raafo dadkaas oo ay ku jiraan caruur iyo haween iyo qoysas mudo ka badan 30 sano ku noolaa magaalda Laascaaood ee xarunta Gobolka Sool kana hirgeliyey ganacsiyo kale duwan.

Dhinac kale Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa maalmo ka hor ka hadlay dilala qorshaysan ee lagu laayey haldoorkii magaalada iyo dadkii wax galka u ahaa umada.

Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed iyo culiamada kale ee magaalada Laascoonood ayaa wax badan ka haday dilalka lagu laayey haldoorkii magaalada dilalkaas oo aan ahayn kuwa ay reeraha qabiilada isku aafaysan ay geystaan balse dilalkaas ay fuliyaan koox aan ilaa hadda sheegan sababta ay u leynayaan dad aan waxba galabsan.

Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa ugu baaqay bulshada waxgaradkeda culimadeeda in ay u istaagan siddii wax looga qaban lahaa dadka laynaya haldoorkii magaalada Laascaanood isagoo sheekhu xusay in dilalkaas ay bilaabdeen markii Maamulka S/land uu la wareegay gacan ku haynta magaalada waxaan Sheekhu ugu baaqay maamulka magaalada in ay wax ka qabtaan dilalka ka socda magaalada.

Dilalka Qorsahayn ee lagu laayey dad fara badan oo iskugu jira Culimo, Cuqaal Ganacsato,Nabadoodno Saraakiil Ciidan ayaa waxaa uu ka dhacaa inta u dhexeysa magaalada Gaalkacyo ilaa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.


A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online