Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kormeeray Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

March 7, 2022 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso oo horumarin lagu sameynayno si loogu diyaariyo garoonka mid heer caalami ah oo habeenkii shaqeeya.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland iyo Injineerada shirkadaha gacanta ku haya dhismeyaasha iyo horumarinta ku socota Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso waxaa ka socda kordhin lagu sameynayo Dhabaha ay Diyaaraduhu ku ordaan oo lagu daray 800m iyo 300m oo amniga Diyaaradaha loogu talagalay.

Sidoo kale waxaa ka socda Garoonka dhismaha Hangar-ka Diyaaradaha la dhigo, Siliga AirPort-ka, Wadada AirPortka oo Laami laga dhigayo iyo Qorshaha AirPort ka loogu diyaarinayo in uu habeenkii shaqeeyo oo duulimaad habeen ah billaabo.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada socota, wuxuuna sheegay in Dowladdu ay muhiimad gaar ah siinayso horumarinta xarumaha Bulshada loogu adeegayo sidaasi darteed loo baahanyahay in dhakhso loo dardargeliyo howsha inta hartay, si ay dadkeenu wakhti dhow u helaan Garoon Casri ah oo shaqeynaya Habeen iyo Maalin.

Leave a comment

*

Archives
March 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online