Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland oo soo dhaweeyey Musharaxnimada Madaxweyne Deni ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya
March 21, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cusmaan Karaash ayaa soo dhaweeyey Murrashaxnnimada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee Madaxweyne Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. “Waan soo dhoweynayaa ku dhawaaqida musharaxnimada Madaxweyne Deni ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya” dhambaal qoraal ayuu sidan ku sheegay Madaxweyne ku xigeenku.
Si midaysan in qaddiyaddan lagu tageerana wuu booriyey wuxuuna yiri-“Mudanayaasha Baarlamaanka ee Puntland ku metelaya BJFS, Masuuliyiinta dowladda iyo Shacabka Puntland-ba waxaan ka codsanayaa inaynu garab istaagno amba bixiisa si aynu uwada guulaysano”.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa laba maalmood ka hor Garoowe kaga dhawaaqay inuu u sharraxan yahay xafiiska ugu sarreeya Dalka ee Madaxweynennimada DFS.
M_M_Deeq
Halgan.net