Hogaamiyaha SSC Khaatumo oo ka hadlay shaqaaqo ka dhacday bariga Laascaanood.
January 10, 2024 - Written by EditorLaascaanood:-Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo uu weheliyo, Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka ayaa kulan degdeg ah la qaatay Isimmada Dhaqanka iyo Waxgaradka Deegaannada SSC-Khaatumo.
Kulanka ayaa ugu horreyn Tacsi loogu diray dadkii wax ku noqday shaqaaqadii saaka ka dhacday Maraaga.
Hoggaamiya ayaa Ilaahay ugu baryey in intii ku dhimatay Ilaahay naxariistii Janno ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna Eebbe u booga-dhayo.
Hoggaamiyaha ayaa sheegay in ay nasiibdarro tahay in shaqaaqo noocaas ah ay ka dhacdo deegaanka, isagoona ballanqaaday in si adag loola xisaabtami doono cid kastoo masuul ka ahayd dhibta dhacday.
Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Maamulku fulin-doono go’aankii uu ka soo saaray arrimaha hubka iyo gaadiidka dagaalka la xidhiidha.
Ugu danbayn, Hoggaamiyaha, Hoggaamiye ku xigeenka, Isimmada Dhaqanka iyo Waxgaradka deegaanka ayaa kulanka kaga wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen muhiimadda nabadda, adkaynta difaaca, dhismaha iyo taageerada Maamulka SSC-Khaatumo.
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
——DHAMMAAD—