ShiikhC/qadir Nuur Faarax Iyo Caaqil C/wahaab M.Gurey Colaadii waa Dhamaatay(Dhageyso)

September 10, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Culimaa’udiinka iyo Isimadii waday nabadaynta magaalada Gaalkacyo ayaa caawa waxaa ay saxafaada kula hadleen Hotel Golden Plaza ee magaalada Gaalkacyo iyagaa sheegay in howshii Nabadu ay meel fiican marayso.

Caaqil Cabdiwahaab Maxamuud Gurey o ka mid Cuqaasha Gobolka Mudug ayaa u sheegay warbaahinta in howsh nabadu socoto meel fiicana marayso dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Gaalkacyana ay si buuxa isku afgarteen.Caaqil C/wahaab  Maxamed Gurey ayaa u sheegay shacabka Gaalkacyo in ay niyada wanaajiyaan  isagoo xusay in dagaal danbe uusan dhici dooni tii Alle waa meesheeda balse hadda dadaalka nabada la wada qaatay.

Shiikh C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada Soomaliyeed kuwooda ugu da,da weyn oo la hadlay saxaafada ayaa  isagana  sheegay in nabada la wada qaatay , isagoo shacabka u sheegay in howsha nabadaynta cida wada laga waraysto lagana fogaado kuwa been faafinaya oo leh nabad ma jiro. Shiikh Cabdulqaadir Nuur ayaa xusay in howshu tahay gabagabo inta dhimana loo fadhiyo in la dhamaystiro  arrin kana ay si wada jira ah u wadaan dhinacyadii dagaalku dhexmaray Culimada iyo Isimada.

Shiikh Cabudlqaadir Nuur Faarax iyo Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah Culimada horseedka ka ah howsha nabadeynta ee Gaalkacyo ayaa ugu baaqay dad weynii ka barakacay markii dagaalku ka dhacay Gaalkacyo in ay guryahooda ay dib ugu soo laabtaan.

Culimada iyo isimida ayaa wada dadaal xooggan oo ay ku doonayaan in lagu baajiyo khilaaf  iyo kala shaki dhexmara beelaha wada dega magaalada Gaalkacyo oo dhan si looga fogaado dhibaato abuuri karta dagaalka  iyo burbur danbe.

Codka Shiikh Cabdulqaadir  Nuur Faarax Hoos Ka Dhageyso

Codka Caaqil Cabdiwahaab Maxamuud Gurey Hoos Ka Dhageyso.
Halkan Ka Dhageyso Caaqil Cabdiwahaab.

M_M_Deeq
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. mahad oo dhan waxaay u sugnaatay Allaa subxaanahu watacaalaa, ka dib waxaan halkan mahad ugu celinayaa Culumaa’u Diinka,cuqaash, wagaradka reer puntland oo ku bixiyay waqtigoodii qaaliga ahaa juhdi badana galiyay sida ee u joogin lahaayeen dhiiga dadka muslimiinta ah haddana walaalaha ah, waxaan Ilaah ka baryayaa in uu nabadda noo adkeeyo,inta ka shaqeeysayna ajar iyo xasanaad ka siiyo.
    scw.
    Osob.

  2. waxaan aad u taageersanahay wax qabadka culimada iyo wax garadka,waxaan leeyahay ilaahay miisaanka xasanaadkina hasaaro maalinta qiyaamaha oo aad loogu baahiqabo xasanaadka,jazaakumulaahu khayran.

  3. Waxaan aad u taageersanahay howsha ay Culimada iyo Cuqaasha ay wadaan ee nabadaynta galkacyo iyo walaalaynta dadka dhibku kala gaarey waxaana leeyahay wada wixi aad ku joojin kartaan in dhiiga muslimka daadintiisa looga fogaanayo. waxana ilaahey ka baryeyna in uu miro dhal ka dhigo xaqa nabadeenta aad wadaan.

    Abdifatah Abdi
    Minneapolis, Minnesota

Leave a comment

*