Wasiirka Deggaanka Puntland oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay Jaaliyadda Puntland ee Leicester, UK.[Masawiro]
September 9, 2016 - Written by EditorLeicester:-Wasiirka Deegaanka, Daaqa & Duurjoogta Puntland, Dr Cali Cabdullahi Warsame, oo ku sugnaa magaalada Leicester ayaa kulan soo dhaweyn, xog wareysi iyo wada shaqeynba isugu jira la yeeshay qaar ka mid ah Jaaliyadda Reer Puntland ee ku nool Magaalada Leicester ee dalka UK. Kullamo kan ka horreeyay ayuu Wasiirku si guud ula yeeshay Jaaliyadda Reer Puntland.
Wasiirku wuxuu warbixin buuxda ka bixiyey xaaladaha kala duwan ee ka jira Punland iyo dowrka wacan ee ay ka qaataan qurb-joogtu horumarka dalka iyo hawlaha gurmadka oo iyagu si isdabajoog ah u dhaca waayahaan dambe.
Wasiirku wuxuu si qota dheer uga warbixiyey waxyeelladii qaraxa argagixisadu u geystey Isbitaalka Gaalkacyo iyo sida loogu baahan yahay in si dhaqso leh dib loogu dhiso isbitaalka. Warbixinta wasiirka ka dib, xubnaha Jaaliyaddu waxay wasiirka weydiiyeen su’aalo la xiriira nolosha dadka iyo xaaladda guud ee dalka ka jirta kuwaas oo uu Wasiirku jawaabo ka bixiyay.
no images were found
Gabagabadii kulanka waxaa talo lagu soo jeediyay sidaan:-
- In Wasiirku si buuxda u hoggaamiyo hawsha lagu soo ururinayo wixii lacag iyo agab loo baahanyahay (fundraising) si dib loogu dhiso Isbitaalka Galkacyo. Wasiirkuna waa aqbalay hoggaaminta hawshaas.
- In Jaaliyaddu sii waddo dhaqaale ururinta iyo is-abaabulka guud ee la xiriira hawlaha horumarineed.
- In wadatashiga iyo dhaqaale ururinta (fundraising) noocan ahi uusan ku ekaan doonin Isbitaal Gaalkacyo ee la rabo inuu noqdo qaab hirgala kaas oo loo adeegsan karo markasta oo ay yimaaddaan xaalado gurmad amaba kuwa horumarineed ee muhiimka ah guud ahaan Puntland oo dhan.
Abdifatah Guure
Leicester, Halgan.net