Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Waceys Dhedo oo raali gelin siiyey culimada Gobolka Bari.[Dhagayso]
September 12, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaana salaadii ciida lagu tukaday Garoonka Kubada cagta Boosaaso. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa dadweynaha kula tukaday Garoonka Kubada cagta Bosaaso waxaana ka mid ahaa masuuliintaas Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Waceys Dhedo iyo Duqa degmada Bosaaso.
Salaadii Ciidul Adxaa ka dib ayaa waxaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyey khudbadii ciida ka dib Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Waceys Dhedo,isagoo ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka si loo sugo nabadgelyada. Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa soo hadal qaaday hadal meel ka dhac ah oo uu u jeediyey culimada Boosaaso waxaan uu dadweynihi soo tukada salaada ciida uu ka hor sheegay in culimada uu la hadlay ayna is cafiyeen.
Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa xusay in culimada Boosaso ay yihiin culimadiisii ayna soo wada shaqeeyeen ayna dowr lixaad leh ka geysteen howlaha samafalka ayna shacabku ay aad ugu kalsoon yihiin wax badan oo wax tar u ah bulshadana ay ku soo kordhiyeen.
Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Waceys ayaa sheegay ayaa reer Boosaaso ugu baaqay in laga qayb qaato howlaha lagu horumarinayo bilicida magaalada Bosaaso gaar ahaan wadooyinka isagoo sheegay in maamulka Gobolka Bari ay dhawaan burburin doonaa guriyo sharci daro ah oo ay ugu horayso Waqda Qaadka iyo goobo kale.
Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Waceys Dhedo oo raali gelin siiyey culimada Gobolka Bari.
M_M_Deeq
Halgan.net