Qarax ismiidaamin ah oo lagu dilay Gen. Maxamed Jimcaale Rooble (Gen Goobaale )
September 18, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa goordhow lagu dilay magaalada Muqdisho Alle ha u Naxariistee Gen. Maxamed Jimcaale Rooble Gen Goobaale Taliyaha Guutada Saddexaad Ee Ciidamada Milatariga Soomaaliya .
Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay gaarigii uu saarnaa Taliyaha Guutada Saddexaad Ee Ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen Maxamed Jimcaale Goobaale waxaana dhintay dhamaan dadkii la socday Jen Goobaale.
Waxaa weerarka lagu dilay Gen Goobaale uu ka dhacay inta u dhaxeysa Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xerada Guulwadeyaasha ee Magaalada Muqdisho ilaa haatan ma jirto cid ka hadashay oo ka tirsan DFS.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka lagu dilay Gen Goobaale Taliyaha Guutada Saddexaad Ee Ciidamada Milatariga Soomaaliya .
A/Cawale
Halgan.net