Culimadii Machadka Sare Ee Ducaada Hargeysa oo Garoowe Ka bilaabay Tababaro (Masawiro)
September 24, 2016 - Written by EditorCulimadii Machadka Sare Ee Hargeysa ayaa waxaa ay tababar ka bilaaween Masjidka Al-Huda ee magaalada Garoowe ee xarunta caasimada Puntland .
Ducaada ka timid magaalada Hargeysa ayaa waxay wax ka bartaan Machadka Tacliim Al-Caali waxaana tababarka ka faa,ideysan doona ardayda iyo shacabka soo camiray Masjidka Al-Huda Ee Garowe.
Furitaanka Xaflada waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin Dowlada Puntland horay xilal Uga soo qabtay Iyo kuwa hada ka ah Masuuliyiin / Culima Awdiin/ Isimo Iyo Maamulka Mu’asasada Alminhaaj Gobolka Nugaal .
Dhamaan Mas’uuliyiintii kahadlay Xaflada ayaa uga mahad celiyay Culimada isku howshay in ay bulshada gaar siiyaan Khayrkii ay soo barteen .
Mu’asasada Alminhaaj Nugaal gaar ahaan Xafiiska Tacliinta oo isagu Sooqaban qaabiyay Tababarkaan ayaa Uga mahad Celiyay Dhamaan Kasoo qayb galayaasha Xafladda Iyo Macalimiinta Bixin Doona Tabaarkaan.
no images were found
Ugu Danbayn Sh Mukhtaar Oo Ah Gudoomiyahay Golaha Fulinta ayaa Balan qaaday in Minhaaj ay siiwadi Doonta Tababara Cayn kaan oo kale ah iyo in bulshada looga faa iideeyo Cidkasta oo khayr u sheegaysa .
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta Al-Minhaaj Puntland