Shirkii Golaha wasiirad Puntland oo looga hadlay arrimaha amniga
January 2, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacayo, Qorshaha horumarinta 5-sano ee Puntland, Shirka dib-u-eegista Waxbarashada ee sannadlaha ah iyo Diyaargarowga Xuska 8-da Janaayo oo ku beegan sanad guuradii kowaad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland.
M_M_Deeq
Halgan.net