Shirka Madasha Bahwaagta Shaqo ee TPEG ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah.
January 26, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka Iyo Dimuqraadiyenta Puntland Maxamed Musadaq Somajeeste iyo Agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeynta ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Marwo Hodan Saciid Xasan ayaa maanta ka qaybgalay Shirka Madasha Bahwadaagtaa Gudiga Dorashooyinka Puntland(Bahwaagta Shaqo ee TPEC) oo ka kooban 10 wasaaradood oo yeesha shir bille ah.
Shirka Madasha Bahwaagta Shaqo ee TPEG ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah.
1: Warbixinta Gudiga halka wax marayaan iyo Qorshaha Guud.
2: Samaynta Xeerka Diwaangelinta Codbixiyaha iyo Dib u eegista Xeerarka Kale ee asaaiga ah
3: Warbaxinta Wasaarada Arimaha Gudaha ee Ku Saabsan Halka ay marayso Qorshaha Kala Xadaynta Degmooyinka Puntland.
4: Asaasida Madasha Wadashaqaynta Gudiga iyo Wasaaradaha Bah-wadaagta la ah oo noqonaya in laysugu yimaado Shirar Bile ah
Dhamaad..
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.