Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka qeyb galay shirka lagu hormarin degmooyinka Puntland
October 27, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta soo xiray shirka Soo bandhigidda waxbadalka aragtiyaha Dowladahaha hoose ee sharciga Law Number-7 qorshaha fog ee Machadka Dowladaha Hoose iyo xojinta Xiriirka iyo wadashaqaynta gobolada iyo Degmooyinka Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarin ee ka socda degmooyinka, wuxuuna faray masuuliyiinta sii dardargelinta horumarka, xoojinta wada-shaqeynta Degmooyinka iyo Gobolada iyo dhaqangelinta sharciga cusub ee Dowladdaha hoose ee Law-7 si uu hirgalo qorshaha Maamul daadejinta.
Shirkan oo maalmo socday waxaa ka qeybgalay Maayarada degmooyinka, Isu-duweyaasha, Guddoomiyeyaasha Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG, Machadka Dowladdaha Hoose ee Puntland, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo Shirka soo diyaarisay iyo Wasaaraddaha kala shaqeeya mashaariicda horumarin ee degmooyinka.
—DHAMMAAD—