Madaxweyne ku xigeenka Gal-Mudug oo kormeer ku tegay Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Gal-Mudug.[Video]
May 30, 2021 - Written by EditorDuusamareeb:-Madaxweyne ku xigneeka Dowlada Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta waxaa kormeer howleed ku tagay wasaaradda arimaha gudaha fadaraalka iyo dib-u-heshiisiinta Gal-Mudug.
Siihayaha wasiirka ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda Arimaha gudaha Galmudug Axmed Cisman Adaan ayaa madaxweyne ku xigeenka ku soo dhaweeyay xarunta wasaaradda isagoo oga warbixiyay howlaha ka socda wasaaradda arimaha gudaha Gal-Mudug.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in wasaaradda arimaha gudaha Galmudug aay ka gaabisay howlihii dib-u-heshisiineed oo muhiim u ahaa guud ahaan Galmudug
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in wasaaradda arimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshisiinta Galmudug loo soo magacaabi doono wasiir waxaana inta lasoo magacaabayo siihaye ka ah wasaaradda wasiir ku xigeenka wasaaradda Axmed Cismaan aadan.
—DHAMAAD—