Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo soo dhaweeyey xukunka Maxkamada Ciidamu ku riday 17 ka mid ah Amniyaadka Al-shabaab

June 14, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa soo dhaweeyey Xukunka Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland ay ku riday maanta 17 ka mida in ka badan 70-meeyo qofood oo loo hayey kiisas la xiriira Argagixisada Al-shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa yiri ” Waxaan Bogaadinayaa Xukunka Dilkaa ee ay Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ku riday 17-kamida in ka badan 70-meeyo qofood oo aanu u qabanay daadintii dhiiga shacabka mudo dhowr iyo toban sano ka gaysanayeen Gobolka Mudug oo ay ku xigi doonaan kuwa kale oo hor leh oo iyaguna dambiyadaas oo kale galay.

Gaalkacyo wakhti ay soo madho wakhtigii ugu fiicnaa baanu oran karnaa inay ku jirto maanta sidoo kalena ay ka dhamaadeen Cadowgii mudada 13-ka sanaa hortaagnaa horumarka, Nabada iyo Nolaanshiyaha Shacabka Gobolka Mudug, Bulshada waxaan uga mahad celinayaa doorka muuqda ee ay ka qaateen la shaqaynta Laamaha Amniga. ”

XAFIISKA WARFAAINTA IYO XIRIIRKA
WARBAAHINTA MAAMULKA GOBOLKA MUDUG

Leave a comment

*

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online