Guddomiyaha gobolka Karkaar oo booqday deegaano hoos taga Gobolka Karkaar

June 24, 2021 - Written by Editor

Qardho:-Masuuliyiin uu hogaaminayay guddomiyaha gobolka Karkaar Siciid Maxamed faahiye ayaa kormeer shaqo ku tegeey Degaanada sheerbi, xidda, Alxamdullilahi iyo degmada waaciye, waxa ayna kullamo wadatashi iyo is xogwareysi ah la qaaten qaybaha kala duwan ee bulshada deeganadaas iyo maamulka degmada Waaciye iyo deeganada hoos yimaada.

Sidoo kale waxa ay masuuliyiintan kormeer ku tageen buundada Qayaadsame oo dhawaan roobabkii da’ay ay burbur soo gaarsiyeen.

no images were found

Ugu horeyn duqa degmada waaciye ayaa masuuliyinta uga warbixiyay xaaladda guud ee degmada iyo degaanada hoos yimaada. Dhinac kale Taliyaha qaybta gobolka Karkaar faarax nuur maxamed ayaa dhankiisa sheegay in xaalada amni ee deegaanadaas ay tahay mid wanaagsan.

Ugu danbeyn Guddomiyaha gobolka karkaar Siciid Maxamed Faahiye, iyo guddomiye ku xigeenka gobolka barri ayaa si wada jir ah uga warbixiyay kormeerkooda shaqo oo ay kh tageen deegaanada kale duwan ee hoos taga Gobolka Karkaar.

= DHAMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MAAMULKA GOBOLKA KARKAAR

Leave a comment

*

Archives
June 2021
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online