Hogaamiyaha SSC Khaatumo oo ka hadlay shaqaaqo ka dhacday bariga Laascaanood.

January 10, 2024 - Written by Editor

Laascaanood:-Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo uu weheliyo, Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka ayaa kulan degdeg ah la qaatay Isimmada Dhaqanka iyo Waxgaradka Deegaannada SSC-Khaatumo.
Kulanka ayaa ugu horreyn Tacsi loogu diray dadkii wax ku noqday shaqaaqadii saaka ka dhacday Maraaga.
Hoggaamiya ayaa Ilaahay ugu baryey in intii ku dhimatay Ilaahay naxariistii Janno ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna Eebbe u booga-dhayo.
Hoggaamiyaha ayaa sheegay in ay nasiibdarro tahay in shaqaaqo noocaas ah ay ka dhacdo deegaanka, isagoona ballanqaaday in si adag loola xisaabtami doono cid kastoo masuul ka ahayd dhibta dhacday.
Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Maamulku fulin-doono go’aankii uu ka soo saaray arrimaha hubka iyo gaadiidka dagaalka la xidhiidha.
Ugu danbayn, Hoggaamiyaha, Hoggaamiye ku xigeenka, Isimmada Dhaqanka iyo Waxgaradka deegaanka ayaa kulanka kaga wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen muhiimadda nabadda, adkaynta difaaca, dhismaha iyo taageerada Maamulka SSC-Khaatumo.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha

——DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
January 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online