Wariye Xasan Anteeno oo lagu dhaawacay magaalada Boosaaso
September 22, 2011 - Written byBoosaso:Wariye Xasan Anteeno oo ka mid ah wariyaasha u shaqaynayeya Idaacada Codka Nabada ee ka howlgasha magaalada Boosaaso ayaa 2 dhalinyaro ah oo hubaysan ay ku toogteen irida hore ee Idaacada, wariye Xassan ayaa waxaa soo gaaray dhaawac halis ah ka dib markii ay xabaduhu ka haleeleen laabta.
Dhagar qabayaasha dilka u geystay Wariyaha ayaa goobta ka baxsaday iyadoo ay arkayaan dad weynaha ka ag dhawaa goobta lagu dhaawacay wariyaha, Wariye Xassan Anteeno ayaa loo la cararay Isbitaalka magaalada Boosaaso halkaas oo ay xaaladiisa ay la tacaalayaan Dhakhaatiirtu.
Ilaa hadda lama yaqaan wax Wariye Xassan Anteeno oo ahaa Wariye horeya uga soo shaqeeyey Idaacada Radio Simba ee magaalada Muqdisho loo bartilmaansaday , waa wariyihii 3aad oo lsgu dhsawaco mudo isku dhowo degaanada Puntlland.
Ilaa hadda ma jirto cid loo qabtay weerarka wariyaha iyo wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amaanka ee Boosaaso bals ewaxaa jira howl gal ay ciidanku ku baadi goobayaan cidii ka danbaysay weerarka lagu dhaawacay Wariye Xassan Anteeno
M_M_Deeq
Halgan.net