Dowlada Ruushka oo si KMG ah looga Saaray G8
March 25, 2014 - Written by EditorMr. Obama ayaa la kulmay madaxda Britian, Faransiiska, Germany, Talyaaniga, Canada, iyo Japan. Iyaga oo kulan degdeg ah qaatay, ayaa waxay shirkooda culeyska ku saareen qabsashada Ruushka ee gobolka Crimea. Hadal wada jir ah oo ay soo saareen kulankooda ka dib, ayaa hogaamiyeyaashani ay sheegeen in ay hakinayaan xubin ahaan shaha Ruushka ee ururka dalalka 8da ah ee dunida ugu dhaqaalaha badan, ilaa Moscow ay bedesho sida ay wax u waddo.
Dalalka G-7 ayaa sheegay in halkii ay ka qeyb gali lahaayeen shir madaxeedkii ay 8da dal ku kulmi lahaayeen magaalada Sochi ee dalka Ruushka, ay u wareegi doonaan magaalada Brussels ee dalka Belguim oo ay isla bisha June ku kulmayaan.
Goor hore oo Isniintii shalay ayaa madaxweyne Obama uu sheegay in Yurub iyo Maraykanku ay ku mideysan yihiin taageerada dawladda Ukraine iyo dadka dalkaas.
Source :VOA Somalia