Madaxweynaha maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya oo loo doortay Maxamed Xaaji Cabdinuur

March 27, 2014 - Written by Editor

Maxamed-XaajiBaydhabo:-Waxaa saaka lagu doortay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay Madax weynaha Maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee saddexda gobol ee kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose waxaan xilkaas loo doortay Maxamed Xaaji Cabdinuur.

Munaasabadda xilka loogu doortay Maxamed Xaaji Cabdinuur Madaxweynaha Maamul gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay ka dhacday Hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo iyadoo in mudo ah ay socotay  shirar ay wadeen siyaasiyiin doonaya in seddex gobol loo dhiso maamul gobolleed halka qaar kalena ay doonayeen lix gobol.

Madaxweynaha Maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa u tartamay ilaa labo musharax oo kala ah Maxamed Xaaji Cabdinuur iyo Ibraahim Nuur Xassan waxaan tartanka doorashada ka qayb galay ergo gaarysa ilaa 743 oo ka kala yimid gobollada  Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha cusub ee Maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa uu ku guulay stay cod dhan 726 cod halka Ibraahim Nuur Xassan uu hellay ilaa 12 cod oo kaliya  waxaan ka aamusay 5 cod oo kaliya.

Madaxweynaha cusub ee Maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Maxamed Xaaji Cabdinuur  ayaa waxaa  markii la doortay uu mahad balaaran u jeediyey  ergada dooratay  waxaan uu balan qaaday in uu xilka loo doortay uga soo bixi doono si wanaagsan, Madaxweyne Maxamed Xaaji Cabdinuur  ayaa waxaa uu codsi u diray madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo ugu baaqay in ay maamulkiisa ay taageeraan.

Doorashadaan ayaa ku soo beegmaysa xili magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay horay loogu doortay  Madoobe Nuunow Madaxweynaha maamulka  Koonfur Galbeed oo ka kooban ilaa 6 gobol balse aan wax taageero ah ka hellin dowladda federaalka Soomaaliya , IGAD

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online