Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in Al-Shabaab soo galeen deegaanada Galmudug (Dhageyso)
March 27, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Madaxweynaha Galmudug Jen Cabdi Qeybdiid ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada amniga ee Deegaanada ay gacanta ku hayso Galmudug wuxuuna walaac ka muujiyey ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo soo gaaray deegaano ka tirsan Mudug oo ay Maamusho Galmudug.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Jen Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa ka codsaday beesha Caalamka ,AMISOM iyo DFS taageero wuxuuna sheegay in deegaano ay ka taliso Galmudug ay soo gaareen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab iyaga oo ku soo galaya qaab kala duwan .
Jen Cabdi Cawaale Qeybdiid Madaxweynaha Galmudug ayaa yiri “boqolaal Al-Shabaab ah baa soo galay Galmudug ka dib markii deegaano badan ay ka qabsadeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM hadalkan ayaa wuxuu ka sheegay kal fadhigga 3-aad ee golaha baarlamaanka Maamulka Galmudug iyo wareysi gaar ah oo uu siiyey Idaacada Afka Soomaaliga ee VOA-da.
Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Jen Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa soo dhaweeyey howlgalada ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay ku qabsadeen deegaano badan oo ay ka talin jireen kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay qabteen oo ay xiran yihiin wuxuuna sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay qaar ka mid ah laga yaabo in rabaan in ay u gudbaan Puntland gaar ahaan buuraha Golis.
Hoos ka Dhagayso waraysiga VOA-da uu siiyey Madaxweynaha Galmudug Jen Cabdi Cawaale Qeybdiid
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/vt0xx645fi/Qeybdiid.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3
A/Cawale
Halgan.net