Madaxweynaha DFS oo kulamo kala duwan leh Waxgarad Baydhabo
March 31, 2014 - Written by EditorBaydhabo:-Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay dhinacyadda isku haya magaalada Baydhabo kuwaas oo labo Maamul goballeed uga dhawaaqay magaalada Baydhabo. Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa waxaa kulanka ku weheliyey wasiiro, xildhibaano iyo guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Kulanka maanta ayaa waxaa uu ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin waxaana loo diiday in ay saxaafadda ka soo qeyb gasho iyadoo amaanka magaalada Baydhabo si weyn loo adkeeyey gaar ahaan halka uu shirku ka socdo.
Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa isku dayey in uu xaliyo ma shaqada ka dhex taagan siyaasiyiinta iyo waxgaradka magaalada Baydhabo kuwaas oo ku dhawaaqay labo Maamul oo kala duwan taas oo keentay in uu amaanka magaalada Baydhabo uu khal khal galo.
Ma jirto ilaa hadda warar faahfaahsan oo ka soo baxay shirka ka socda Magaalada Baydhabo walow weli ay Madaxda DFS ayaa dadaal ugu jira sidii ay xal ugu heli lahaayeen xiisada siyaasadeed ee ka jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
A/Cawale
Halgan.net