Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Beijing kaga qeybgalaya shirka Carabta iyo China.

June 1, 2014 - Written by Editor

DSC06150Mogadisho:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E.Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin lataliyeyaal ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta u ambabaxay caasimadda Beijing ee dalka China , halkaasi oo lagu wado inuu ka furmo kulanka 6-aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada carabta iyo China oo looga doodi doono arrimo labada dhinac dan u ah .

Kulankani ayaa ka furmi doona si rasmi ah caasimadda China 5-ta bisha June, waxaana looga hadli doonaa xoojinta xiriirka wanaagsan ee dunida carbeed iyo China u dhaxeeya iyo dejinta istiraatiijiyad ay wax ku wadaagi karaan labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E.Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho kahor inta aanu maanta ka ambabixin halkaasi ayaa waxa uu sheegay in mudada uu ku sugan yahay Magaalada Beijing uu la yeelan doono kulamo gaar gaar ah qaar ka mid ah Wasiirada Arrimaha dibadda ee lagu martiqaaday ka qeybgalka kulankaasi , waxa uuna yiri “ Soomaaliya waa dal hodan ah oo leh kheyraad dihan oo dhex ceegaaga badaha iyo bariga , sidaas awgeed dunidu waxaa ay xilligan eeganeysaa dalkeena ,sida caalamku u daneynayo dalkeena ayey dowladda China u aragtaa dhul ku haboon maalgeshiga iyo dalxiiska”.

no images were found

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa sidoo kale kaga qeybgali doona 10-ka bishan June Magaalada Athens ee caasimadda wadanka Greece kulan ay iskugu imaanayaan wadamada Midowga yurub iyo Carabta , kaasoo looga hadli doono arrimaha siyaasadda, ammaanka , ganacsiga iyo maalgeshiga .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online