Sh Maxamed Cabdi Umal oo dhawaan gaaray magaalada Laascaanood
June 6, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Waxaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo wafdi culimo ah oo ka soo raacay magaalada Burco oo maalmihii la soo dhaafay uu Shiikhu ku sugnaa kana jeediyey muxaadaraad kale duwan Masjidka Al-madiin ee magaalada Burco. Sheekh. Maxamed Cabdi Umal iyo wafdiga culimada ah ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood oo ah magaalo lagu yaqaan in dacwada ay si weyn ugu faaftay ayna ku nool yihiin culimo waaweyn oo Soomaaliyeed oo aan ka xusi karno Fadiilatu Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed iyo Sh Axmed Maxamed Sulaymaan iyo culimo kale.
Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa intii uu socdaal dacwo ku jooga S/land waxaana uu ka jeediyey muxaadarooyin iyo khudbado uu kaga hadlay mawduucyo kala duwan,iyadoo dadweynuhuna su’aalo ay weydiinayeen. Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu socdaal dacwo ku maray Hargeysa,Boorame ,Gabiley,Wajale , Berbera, Dilla iyo magaalada Burco oo hadda uu uga sii gudbay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Warbixnta socdaalka Sh Umal ee magaalada Laascaanood ayaan dib idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu.
Musasat Al-Karam
Somalia, Halgan.net