Sh.Umal oo caawa muxaadaradii labaad ka jeediyey Masjidka Al-Huda ee Garoowe (Masawiro)

June 10, 2014 - Written by Editor

DSC05831Garoowe:-Sheekh.Maxamed Cabdi Umal ayaa habeenkii labaad ka jeediyey muxaadaro Masjidka Al-Hudaa ee magalaada Garoowe ee xarunta Puntland waxaana muxaadarada caawa ka soo qeyb galay wasiiro ,xildhibaano ,Issimo Cuqaal iyo dadweyne aad u tiro badan

Wasiirka Amniga ee dowlada Puntland Xassan Cismaan Alloore ayaa mahad balaaran u jeediyey Sheekh Maxamed Umal waxaana soo dhaweyn ballaaran u soo jeediyay Sh.Maxamed Umal isaga oo islamarkaasna uu mahad wayn u soo jeediyayay gudiga soo dhawaynta shiikha oo ugu horreeyo wasiirka cadaaladda iyo dhammaan culimada gobolka Nugaal iyo shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe wuxuuna ugu baaqay in Sheekha laga wada faa,ideysto.

Wasiirku sidoo kale waxa uu tilmaamay ahmiyadda amnigu leeyahay ,isaga oo hoosta ka xariiqay in ay Puntland ay tahay meela amaan ah wuxuuna mahad gaar ah u soo jeediyey culumada ku dhaqan Puntland oo qeyb weyn ka qaatay arrimaha bulshada.Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa muxaadaradii caawa waxaa uu uga hadlay Darooga iyo halista ay bulshada ku heyso.
.
Sheekh Maxamed Umal waxa uu ku qeexay maandooriyahu inuu yahay wax kasta oo maanka dooriya si kastaba ha loo adeegsadee sidda in afka laga qaato ama sanka, irbad ahaan …iwm. isaga oo shiikhu caddaynaya sababaha ay shareecadu u xaaraamaysay waxyaalaha daroogada ah ee uu qaadku ugu horreeyo ayaa waxa uu ku tilmaamay kuwan :-

1-Miisaanka ugu wayn ee diintu wax ku cabirto waxaa uu yahay maslaxadda iyo mafsadada ,hadaba marka miisaankaa la saaro qaadka waxaa soo baxaya inay tahay mafsado.

2-Waxaa uu wax udhimayaa diinta sida ilaahay quraanka ku sheegay.

3-Waxaa uu burburiya maalka iyo hantida bulshada.

4-Waxa uu wax u dhimaa caafimaadka bini aadanka sida lagu ogaaday baaritaano la smeeyay.

5-Waxaa uu wax yeeleeyaa xubinka ugu qaalisan bini aadamka taasoo ah caqliga.

6-Waxaa uu burburiyaa qoysaska iyo bulshada dhamaan ,waxa uuna ka qabqaadanayaa nabadgalyo darada.

7-Waxa uu halis ku yahay jiritaanka iyo mustaqbalka ummadda.

shiikha ayaa sheegay marka la isu geeyo sabababhaas oo dhan waxaan arkayanaa in qaadku yahay xaaraan isla markaana waxa uu ku tilmaamay inuu yahay masiibo qaran. waxaa uu soo raray shiikhu hadallo badan oo ay ka yiraahdeen qaadka xaaraantinimadiisa iyo dhibaatooyinkiisa culumada

no images were found

Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu ka digay ereyo lagu khaldo shacabka sida ,waa quutu awliyo ,janaduu ka baxaa, diintaa loo kaalmaystaa, ..iwm isaga oo tilamaamay in caamada lagu khaldayo ayna ka danbeeyaan arikaa dad diin sheeganaya. Gabagabadii ayaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal waxaa uu farriin adag u diray dadka oranaya qaadku waa xalaal isaga oo ugu baaqay dawladda iyo qaybaha bulshada in ay gacan ka gaystaan joojintiisa.

Musasat Al-Minhaaj
Garoowe,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online