Sh Umal oo booqasho ku tagay Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garowe[Masawiro]

June 12, 2014 - Written by Editor

2Garoowe:-Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa saaka  waxaa uu booqasho ku tegay Jaamacada bariga Afrika farceeda magaalada Garowe wuxuuna sheekhu la kulmay Boqolaal ardayda ah oo wax ka dhigta Jaamacada Bariga Afrikaoo iyago si weyn u soo dhaweeyey Shiikha Arday ahaan iyo maamul ahaanba.

Sheekh Cabdi Qani Qorane  ayaa waxaa warbixn gaar ah uu siiyey  Sh Maxamed Cabdi Umal isagoo uga waramay  xaaladda Jaamacadda Bariga afrika  ka dibna waxaa uu ka codsaday ardayda iyo maamulkaba in wixii talo ama waano ah ay ka dhagaysytaan Sh Maxamed Cabdi Umal oo hadda ku sugan magaalada Garoowe taasna ay u tahay fursada weyn ardayda iyo Shaqaalaha Jaamacadda Bariga Afrika Fareecda Garoowe.

Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf  oo ah Maamulaha Jaamacada Bariga Afrika faraceed Garoowe ayaa waxaa uu jeediyey  hadal soo dhaweyn ah oo uu Sheekh Umal uu ku soo dhaweynayo Jaamacadda oo ay hadda dhigtaan Boqolaal Arday ah waxaan uu tilmamay in ay fursada qaali ah u tahay in maanta ay Jaamacdda bariga Afrika ay ku soo dhaweeyaan Sh Maxamed Cabdi Umal.

Sh.Maxamed Cabdi Umal  ayaa waxaa uu hadal dardaaran ah oo qiimo badan waxaa uu u jeediyey Ardayda , maamulka  iyo shaqaalaha Jamacadda bariga Afrika faraceeda Garoowe isagoo kula dardaarmay in wixii ay barteen ay bulshada u gudbiyaan maadaam aqoontooda aad ay ugu baahan yihiin bulshada.

Sh.Maxamed Cabdi Umal  ayaa waxaa uu ardayda ku booriyey in fursada ay haysataan aysan lumi oo ah caafimaadka , waqtiga  iyo amniga oo aan maanta meelo badan oo soomaaliya ah aysan ka jirin sidaas darteedna loo baahan yahay in aqoonta diinta iyo mid maadiga ahba ay xoogga saaraan in ay bartaan si beri ay dalkooda iyo dadkooda u anfacaan.

Sheekh.Maxamed Cabdi Umal   ayaa waxaa kale oo uu ardayda kula dardaarmay in ay ka fogaadaan xinka , Xaasidnimada iyo Qabyaalada oo ah wax dhaawaci kara sharafta qofka muslinka ah.

Ugu danbayntii ayaa waxaa uu Sheekh.Maxamed Cabdi Umal  uu xusay in dadka ka yimid Qurbaha aysan waajibkooda si wanaagsan u gudan balse ay dalka ku soo kordhiyaan fasaad iyo xumaan halkii ay aqoontii ay soo barteen dalkooda uga faa’iidayn lahaayeen.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online