Jaamacadda Bariga Afrika Faraceed Buuhoodle oo siminaar u qabtay ardayda Dugsiyada Sare[Video/Masawiro]

June 17, 2014 - Written by Editor

DSC09523Buuhoodle:- Maanta oo ay taariikhu tahay 17-06-2014 ayaa waxaa ay Jaamacada bariga afrika faraceed Buuhoodle u soo gabagabaysay siminaar socday mudo saddex maal mood ah Ardayda ka qalin jebisey dugsiyadda sare ee magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.

Aqoon isweydaarsigaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Jaamacada bariga Afrika faraceeda magaalada Buuhoodle waxaan ka soo qaybgalay Ardayda dhamaystay Dugsiyadda sare ee Buuhoodle. Aqoon is waydaarsigaan ayaa waxaa looga hadlay oo diirada lagu saaray Tacliinta sare & siddii ardayda sanadka dhamaysay dugsiyadda sare uga qayb qaadan lahaayeen tayaynta Jaamacada Buuhoodle.

Ardayda siminaarka loo qabtay oo tiradoodu gaadhaysay 70 arday ayaa ka soo qalin jebiyey dugsiyada sare ee kala ah (samatarbaxnaan – hawd – iyo machadka sare ee alfurqaan buuhoodle). Macalimiin, Arday, waalidiin, Waxgarad, ganacsato & qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa kasoo qaybgalay munaasibada xiritaanka aqoon iswaydaarsiga.

Cadnaan Axmed Maxamed oo ah hormuudka kuliyada maamulka iyo maaraynta ee Jaamacadda Bariga Afrika faraca buuhoodle ayaa ugu horayn ka soo qayb galayaasha munaasabada warbixin ka siiyey  aqoon iswaydaarsigan oo mudo 3 maalmood ah loo soo wadey ardayda dhamaysay dugsiyada sare ee Buuhoodle.

Sh Mukhtaar Axmed X Faarax oo ah maamulaha dugsiga Sare ee Hawd Secondary School ee magaalada Buuhoodle ayaa Jaamacadda Bariga Afrika ku bogaadiyey horumarka dhan walba ah ee ay ku siyaadisey waxbarashada Buuhoodle. Sidoo kale Dr.Axmed Jaamac Ismaaciil Mire oo ka tirsan jaamacada madiina ayaa isna booriyey waxbarashada iyo tayada ay leedahay.Intaas kadib waxaa hadalka isaga daneeyey, Aqoonyahano, culimo, Odayaal, Arday iyo weliba bulshadii kasoo qaybgashay xiritaanka munaasibadda. Ugu dambayntiina waxaa kulanka sooo afmeeray sh.cumar sh.cismaan oo kamid ah culimada waawayn ee magaalada Buuhoodle

no images were found

Hoos Ka Daawo Jaamacadda Bariga Afrika Faraceed Buuhoodle oo siminaar u qabtay Ardayda dugsiyada Sare

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online