Muxaadaraadkii Sh Umal ka jeediyey Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab ee Qardho.[Dhagayso]
June 18, 2014 - Written by EditorQardho:-Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa ilaa intii uu safar dacwadeed ku gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar waxaa uu Sheekh Umal uu ka a jeediyey muxaadaraad kale duwan isagoo ka jawaabay su.aalo aad u fara badan oo diini ah oo Sheekha la wiidiiyey. Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu muxaadaraadka inta badan ka jeediye Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab ee magaalada Qardho waxaan ka soo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo aad u xiisaynayey in ay dhagaystaan muxaadaraadka Sh Umal.
Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Qardho waxaa uu kulan gaar ah la qaatay Boqor Burhaan Boqor Muuse , Issimo , Cuqaal iyo Nabadoonada Qardhood waxaan uu is waraysi ka dib iyo soo dhaweyn uu u jeediyey Dardaaran u badnaa in ay ka shaqeeyaan nabadgelayada iyo amaanka Allena ay uga baqaan masuuliyadda ka saran bulshadooda doortay
Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa muxaadaraadka uu jeediyey aan ka xusi karnaa:-
1. Dawaabida Takfiirka
2. Fidinta Diinta waa waajib saran Qof walba
3. Kaalinta ay dumarku ku leeyihiin Hagaajinta Bulshada
Inta aysan bilaaban muxaadarad habeenkii koowaad ayaa waxaa hadalo soo dhaweyn iyo mahad celin ka jediyey Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab gudoomiyaha Gobolka Karkaar iyo degmada Qardho , Taliyaha ciidanka Booliska Puntland , Sh Xassan Bookh,Issimo, Cuqaal iyo waxgarad kale
Hoos ka Dhagayso Furitaankii muxaadaradka Sh Umal ka jeediyey ee Qardho inta aysan bilaaban.
Furitaanka ka dib ayaa waxaa si toos ah loo guda galay habeenkii koowaad muxaadaradii 1aad waxaan uu Sheekh.Maxamed Cabdi Umal kaga hadlay Gaalaysiinta qof muslinka ah iyo Sohdimaha ay Shareecada Islaamku u samaysay , Sh Fu’aad oo ka mid ah culimada ku nol deeganada Puntland ayaa isagu waxaa uu daadihinayey furitaanka muxaadaraadka isagoo sidoo kale waydinayey Sh Umal su’aalaha diiniga ah ee ay bulshadu u baahnayad in laga jaahil bixiyo
Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Dawaabida Takfiirka ee Sh Umal ka jeediyey Qardho
[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/fakxrj3g8u/Takfiir.mp3]Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Kaalinta ay dumarku ku leeyihiin Hagaajinta Bulshada ee Sh Umal ka jeediyey Qardho
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/jv723b835j/Kaalinta_kaga_aadan_haweenayda_Islaaxinta_Umadda.mp3]
Halkaan ka Dhagayso Mp3
Mu’ssastu Minhaaj
Qardho,Somalia