AMISOM oo sheegtay in ay Duqeyn ku dishay dagaalyahano Al-Shabaab ah.

June 23, 2014 - Written by Editor

logo_AmisomMuqdisho:-Saraakiisha Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta sheegtay in ay duqeyn ku dishay in 80 askari oo ka tirsan  Al-Shabaab ka dib markii ay duqeyn dhanka cirka ah ay la beegsadeen xarumo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaannada Kudha iyo Caanoole ee gobolka Jubbada Hoose. Warmurtiyeed ka soo baxay AMISOM ayey ku sheegteen in duqeymaha lala beegsaday saldhigyo ay leeyihiin Al-Shabaab deegaanka Caanoole iyo degmada Kudhaa  waxaana duqeynta qeystay  diyaaradaha dalka Kenya.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen Al-Shabaab uu sidii loogu talagalay u dhacay ayna bilaawdeen qeybtii labaad ee howlagalada ka dhanka ah Al-Shabaab. Duqeynta ay geysteen diyaaradaha dalka Kenya ayaa waxaa uu ku soo aaday xili ay AlShabaab weeraro kala duwan ka geystay gudaha dalka Kenya waxaana u danbeeyey weerarkii ka dhacay deegaanka Mpeketoni Halkan ka Akhriso warmurtiyeedka AMISOM.

Ilaa haatan ma jiraan masuuliyiin  ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay warkan ay soo saareen ciidanka AMISOM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online