Maxkamada ciidanka Puntland oo riday xukun kala duwan [Dhagayso]

June 24, 2014 - Written by Editor

1Garoowe:-Waxaa maanta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland gaar ahaan gobollada Gardafuu, Bari, Karkaar, Sanaag iyo Haylaan la hor keenay eedeysanayaal lagu eedeeyey in ay ka danbeeyeen labo gaari oo lagu gubay degaanka Yelho 7-dii bishii 8aad 2013, Askari dil geytay iyo xubno kale oo lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.Eedaysanayaasha lagu eedeyey in labo gaari ay ku gubeen duleedka Yelho ayaa waxaa magacyadooda lagu sheegay:-

1. Maxamed Kamaal Xasan

2. Cabul Saciid Faarax

3. Kinkon Xarbi Cali

4. Saciid Cabdi Cali

5. Axmad Amoore

6. Daahir Cumar Sugulle

7. Afjaar Cali Cumar

8. Cabdullahi Milindi

9. Yuusuf Maxamad Halac

10. Faarax Axmad Ciise

11. Carab Cabdi Cali

12. Saciid Cumar Yuusuf

Maxkamada ciidanka qalabka sidda ee Puntland ayaa waxaa ay eedeysanayaashaan ay ku xukuntay in ay bixiyaan labadii gaari ee ay gubeen iyo weliba hantidii saarnay oo dhan iyo in ay bixiyaan diyadii il ay ka rideen C/kheyr Maxamad Warsame oo ahaa darawalkii waday gaarigii la gubay.

Dhinac kale Maxkamada ayaa waxaa ay xukun ku riday C/risaaq Cabdalla oo ahaa eedeysanihii iibiyey gaari loo adeegsaday qarax ka dhacay magaalada Boosaaso 5-tii bishii 12.2013 meel u dhow masjidka Bosaaso ayaa waxaa lagu xukumay hal sanno oo xariga ah.

no images were found

Waxaa sidoo kale ay maxakamadu ku xukumtay askari ka tirsan ciidanka Puntland oo si kama ah xabad uga fakatay askari kale waxaan lagu xukumay in uu bixiyo diyada askari iyo in uu xirnaado ilaa uu bixinayo diyad.

Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland C/fitax Maxamd Aadan oo riday xukunka

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/lds7ugrqfc/Maxkamad.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online