Sanad guuradii 3aad ee Golaha Ardayda Al-Furqaan ee Laascaanood[Masawiro]
June 25, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Maanta waxaa lagu qabtay Hotel Almustaqbal ee Magaalda Laascaanood Xaflad Ballaadhan ahaydna Sanad Guuradii 3 aad ee Kulanka Golaha ee Sanadkiiba mar la Qabto. Kulankaan oo ay ka soo qayb galeen Laamaha kala Duwan ee bulshada Goblka Sool. Waa kulanka ka hadlay gudoomiyihi Hore Saciid Muuse Xaaaji Nuur. Saciid Wuxuu soo Bandhigey dhamaan wixii wax qabad ah ee uu qabtey Intii uu Masuuliyada Golaha Hayey. Wuxuu ka waramey dhamaan Hawlaha Dacwadeed ee uu Gobolku u Hayo.
Gudoomiyihii Hore wuxuu sharaxay waxa uu yahay Golaha Ardayda ka Baxday Machadka AL-furqaan Laascaanood, Hiigsigiisa Mustqableed , Dhambaalka uu u wado Bulshada iwm. Wuxuu Kale oo ka waramey siddi ay ugu soo Halgameen Hawlihii iyo Faafinta Diinta Alle Sw. Wuxuu Ku Inay Bulshada Soomaaliyeed Maanta lagu Badbaadin Karo uun Diinta Alle oo dadka la Baro mid yar iyo mid weynba.
Wuxuu Sheegey dhamaan 6 dii Dufco ee ka Qalin Jebisey Mac-hadka Meel Kastooy ka Joogaan Aduunka , daba Gal dheer oo ay Saameeyeen Gudiga Baadhitaanka iyo Warbaahinta Golaha Ardayda Ka Baxday .Warbixandii uu Soo Bandhigey Waxa kamid ahaa :
1.Tirada Wiilasha ee 6 dii Dufcadood ee Machadka dhameysey 6 san ee u danbeyey Waa 441 arday.
2. Ardayda waxaa Dalka Ku Nool oo Barayaal ka ah , 90 % Waa 373 Arday.
3.Dalka Dibadiisa Waxaa Waxbarasho Jaamacadeed ku Maqan 54 Arday.
4. Waxaa Alle SW Oofsadey oo dhintey : 2 Arday.
Intaasi Waa Wiilasha . Gabadhahana Warbixintooda Waxaa Soo Gudbin Doona: ( ملتقى الطالبات للدعوة والإرشاد ) Waxaaa kale oo ka Hadlay gudoomiyaha Jaamacadda Nugaal , Gudoomiyaha Xafiiska Dacwada, iyo Masuliyiin Kale oo Sharaf leh. Ugu Danbeyntii waxaa la kala wareegay Labad gudoomiye Hawlihii Dacwada C/Rashiid Maxamed Awfaarax oo ah Guoomiyaha Cusub iyo Saciid Muuse Xaaji Nuur Labadoodaba Hawshii Hawlihii Wada shaqeyneed halkii ayey ka Sii Wadi Doonaan. Waxaa sidoo kale Madasha lagu Gudoonsiiyey Shahado Sharafyo la siiyey Dadkii aadka u Taageerey Golaha Xaga Talooyinka , Fikirka , Taakuleyn Dhaqale iwm.
no images were found
Golaha ardayda Machadka Al-furqaan
Laascaanood, Somalia