Madaxwaynaha Puntland oo Kenya kula kulmay Safiirka Ingiriiska & Safiir ku xigeenka Maraynka iyo Hay’adda UNOPS.

June 25, 2014 - Written by Editor

1Nairobi:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa kulamo goni gooni ah la qaatay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Safiir kuxigeenka Marayka iyo Sidookale Madaxda Hay’adda UNOPS. Kullankii uu Madaxwayne Gaas la qaatay Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Soomaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka u dhaxeeya Dowlada Puntland iyo ingiriiska iyo arrimo kale oo khuseeyo soomaaliya .

Madaxwayne C/wali Gaas ayaa sidookale la shiray Safiir ku xigeenka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya arrimaha ay ka wada hadleena waxaa ugu waaweynaa siddii dowladda Maraykanka ay u xoojinlahayd xiriirka wada shaqeyn ee ay la wadaagto puntland iyo Soomaaliya. Hay’adda UNOPS oo ah hay’adda ku howlan dhismaha Garoomada Puntland gaar ahaan Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayuu madaxwayne gaas madaxdooda kala hadlay sidii ay u dardar galin lahaayen dhamaystirka Goornka Diyaaradaha ee Magaalo ganacsi yeedka Puntland ee Boosaaso.

no images were found

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta

Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online